Gaari la sheegay in uu Walxo Qarxa wadey iyo Rag la qabtey (DAAWO).

0
467

Ciidamada Nabad sugida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Gaari ay saran yihiin hub iyo walxaha qarxa, iyadoo sida ay ay Nabad sugida sheegtey la doonayay in lagu fuliyo weeraro.

Gaari ayaa la sheegay in la socdeen sedex qofood, kuwaasi oo sawiradooda iyo alaabihii gaariga saarnaaba sawiradooda loo soo bandhigey warbaahinta.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/Kaamil Macalin Xirsi oo la hadlay wakaaladda SONNA ayaa faahfaahin ka bixiyay gaarigana la qabtey, isagoo dhinaca kalena sheegay in galabta ay qaadeen howlgal kale oo laga sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo lagu soo qab-qabtay ilaa 4 qof oo uu ku jiro horjoogihii hubka iyo qaraxyada gaariga ku soo raray.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in goor dhow saxaafadda loo soo bandhigayo hubkaasi iyo dadka loo soo qabqabtay. 

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.

Baabuur Baabuur1 Baabuur2 Baabuur3 Baabuur4 Baabuur5 Baabuur6 Baabuur7

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com