Madasha Wada tashiga Qaran oo Galabta la filaayo in la soo gabagabeeyo.

0
495

Shirkii-Kismaayo-iyo-madasha-qaran2

Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran oo ay ka qayb galayaan Mas’uuliyiinta dowladda Dhexe iyo Maamul-goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa in maanta lagu soo gaba gabeeyo magaalada Muqdisho.

Shirkaasi oo uu si rasmi ah u furay dhowaan Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Waxaana ay Madaxada ka doodeen qorshaha amniga Qaranka, kaasoo ay isla ogolaadeen, iyadoo maantana laga doodi doono arrinta Maqaamka Muqdisho iyo sidii gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan laheyd Aqalka Sare.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qodobada laga soo saari doono ay noqonayaan qaabkii loo fulin lahaa doorashooyinka iyo guddiyadii howshaasi wadi lahaa, waxaana la filayaa, islmarkaana qorshuyhu yahay in shirka maanta la soo gaba-gabeeyo, qodobana laga soo saaro.

Shirka ayaa lagu waday in la soo gaba gabeeyo shalay galinkii dambe laakiin ma dhacin ,oo ilaa iyo xalay madaxda dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada waxay Muqdisho ku lahaayeen kulamo gaar gaar ah .