Muxuu Jose Mourinho Oo Markale ku maagey Rafa Benitez ?

0
1053

Jose-Mourinho-1-451x300Ninka shaqo la’aanta ah ee Jose Mourinho ayaa weerar kale ku qaaday macalinka kooxdiisa heerka labaad u laabatay ee Rafa Benitez oo ay ka dhexeyso weerar afka ah oo ay isku qaadaan.

Rafa ayaa xili ciyaareedka ku bilowday kooxda Real Madrid isagoona mudadii koobneed ee uu hayay u soo jiiday sumcada daro kadib ceebtii kulankii El Classico iyo iney ku guuldareysteeb garaacaan koox weyn sidoo kale qilaaf ba’an uu dhexdhigay jamaahiirta kooxda iyo ciyaartooyda.

Hadaba Jose ayaa “Hadii uu Zidane u qaado Champions league waa la I loobi doonaa dhamaan dhibaatadii ay kooxda martay charismas kii ka hor iyo dhibtii ay kooxda ay gashay maadaama ay kooxda qaaday koobkeedii 11aad”.

Jose oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Koox xili ciyaareedka ku bilaabatay dhib aad u weyn uu soo wajahay dib u dhac aad u xun, farxad ayeey noqoneysaa iney xili ciyaareedka ku soo xiraan koob”.

Labada nin ayaa hadalo kulul saxaafada isku dhaafsada iyado hore xaaska Rafa Benitez ay u sheegtay in ninkeeda uu hagaajiyo waxyaabihii uu qaldo Jose taasoo ka careysiisay ninka ree Portugal oo ugu jawaabay “ Hadii ka fakari laheyd cunada ninkaaga ma uusan noqdeen mid saas u buuran”.

Markacadeey.com