Puntland oo Maxkamadeyneysa Taliyeyaal Sare oo dhowaan xilka laga qaadey.

0
1417

Top

Taliyeyaasha ciidamada booliska iyo birmidka Puntland Cismaan Afdalow iyo Cabdirisaaq Afgaduud ayaa Maanta lagu wadaa in maxkamad lagu soo taago magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhawaan xilalka ka qaaday taliyeyaasha ciidamada booliska iyo kuwa birmidka kadib markii ay israsaasen ku dhexmartay ciidamo ilaalo ah magaalada Boosaaso,halkas oo uu ku dhaawacmay wasiirka Amniga Puntland.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo dacwadaha saraakiishan loo heysto balse arintasi ayaa aad loola xiriirinayaa.

Markacadeey.com