Waa Kuma Labada Xiddig Ee Ay Man United Daawaneysay Kulankii Sporting Lisbon Ee Isbuucaan?

0
1686

arde

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa laga saaray xulka hordhaca ah ee Spain uga qeybgalaya tartanka Euro 2016 ee ka dhacaya dalka Faransiiska xagaagan.

Vicente del Bosque ayaa magacaabay 25 ciyaaryahan iyadoo labo ka mid ah laga saaro liiska ugu danbeeya ee 23ka ciyaaryahan ee u safraya France, laakiin midkoodna Diego Costa ama xiddiga Atletico Madrid Fernando Torres kuma jiro.

Weeraryahanka Valencia Paco Alcacer isagana laguma soo derin inkastoo isaga iyo Costa ay si joogta ah u ciyaarayeen kulamadii isreebreebka. Aritz Aduriz, Nolito, Alvaro Morata iyo Lucas Vazquez ayaa dhanka weerarka loo yeertay.

Iker Casillas, David De Gea iyo Sergio Rico ayaa ah seddexda goolhaye halka daafacyada loo yeeray Sergio Ramos, Gerard Pique, Dani Carvajal, Jordi Alba, Marc Bartra, Cesar Azpilicueta, Mikel San Jose iyo Juanfran.
Bruno Soriano ayaa isna loogu soo yeeray khadka dhexe waxaana kula wehliya Sergio Busquets, Koke, Thiago Alcantara, Andres Iniesta, Isco, David Silva, Pedro Rodriguez, Cesc Fabregas iyo Saul Niguez, Javi Martinez iyo Juan Mata ayaa iyagana laga soo tagay.

Del Bosque ayaa sidoo kale magacaabay tiro ciyaartoy dhigaal ah oo ay ku jiraan Sergio Asenjo iyo Denis Suarez oo Villarreal u dheela, xiddiga Athletic Bilbao Inaki Williams, da’ yarka Real Sociedad Mikel Oyarzabal iyo xiddiga Malaga Pablo Fornals.

Xulka Hordhaca Spain Ee Euro 2016:

Casillas, De Gea, Rico, Ramos, Pique, Carvajal, Alba, Bartra, Azpilicueta, San Jose, Juanfran, Bruno, Busquets, Koke, Thiago, Iniesta, Isco, Silva, Pedro, Fabregas, Saul, Aduriz, Nolito, Morata, Lucas Vazquez.

Xiddigaha Dhigaalka Ee Loo Yeeray Kulamada Saaxiibtinimo Ee Ka Hor Euro 2016:

Pau Lopez, Asenjo, Bellerin, Jony, D. Llorente, Mere, Suarez, Williams, Fornals, Oyarzabal

Markacadeey.com