22 ruux oo ku geeriyootay Qaraxyo ka dhacay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq

0
541

timthumb (21)

Ku dhawaad 22 ruux ayaa ku geeriyootay labo qarax oo ka dhacay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay deegaan ganacsi oo ku taal Magaalada Baqdaad, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Qarax kale oo Ismiidaamin ah ayaa lagu weeraray Bar Koontarool oo ciidamada Dalka Ciraaq ku leeyihiin Magalaada Baqdaad. 

Waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan todobo Askari oo ka tirsan ciidamada Millateriga dalkaasi, halka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Guud ahaan labada qarax ee ka dhacay Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, ayaa dadka ku dhintay waxa ay gaarayaan ilaa 22 ruux oo Askar iyo shacab intuba isugu jirta.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaasi, haseyeeshee kooxda khilaafada islaamka ayaa bilihii ugu dambeeyay qaadeysay inta badan weerarrada noocaasi ah.

Qaraxyadan ayaa ku soo aadaya, xilli Millateriga dalka Ciraaq duulaan dagaal ay ku qaadeen Magaalada Faluja oo Daacish ay ku xoogan tahay.