Xildhibaan ka tirsanaa golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyey in uu ku geeriyoodey weerarka Hotel Ambasador.
War lagu qorey Bogga wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu sheegay in Allaha u naxariistee uu ku dhintay Weerarkii Ambassador oo wali socda Xil Cabdulaahi Jaamac Kabawayne oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaalia.
Xildhibaanka ayay wararku sheegayaan in uu ka mid ahaa xildhibaano ku sugnaa Hoteelka, isla halkaasina uu ku geeriyoodey.
Dhinaca kale, Xildhibaano Sedex ah ayaa lagu soo waramayaa in la bad-baadiyay, kuwaasi oo kala ah:
Xildhibaan Cabdi Xaaji C/laahi
Xildhibaan Maxamed Cumar
Xildhibaan Macloow
Wararka ku soo kordha Arrimahani kala soco Markacadeey.com
Xafiis wareedka Markacadeey.com
Muqdisho- Soomaaliya
E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com