Soomaali lagu xiray dalka Masar

0
405

timthumb (34)

Ugu yaraan 31 muhaajiriin ah oo ay ku jiren 17 Somali ah ayaa lagu xiray magaalada Rashiid ee dalka Masar sida laga soo xigtay saraakiisha dowlada Somaliya ee dalkaasi.

Muhaajiriinta Somalida ah ee la qabtay waxa ku jira Haween iyo carruur waxaana lagu xiray xabsiga dhexe ee magaalada Rashiid.

Dadkan la xir xiray ayaa laga qabtay agagaarka xeebta iyaga oo doonayay iney doon ka raacan,waxa ayna ku sii wajahnaayen dhinaca qaarada Yurub 

Waxa jira tiro kale oo Somaali ah oo iyagana ka baxsaday intii uu socday howlgalka lagu xir xiray muhaajiriintaasi,inkastoo aan la xaqiijin karin tirada inta ay dhan yihiin.

Dowlada Masar ayaa wada howlgalo ka dhan ah dadka tahriibayaasha ee nafsadooda ku biimeynaya qatar badda si ay u gaaran Yurub.

Ka sokoow Somalida la xiray waxaa la socday 14 ruux oo kale, kuwaasi oo u kala dhashay dalalka Eritrea iyo Itoobiya.

Masar ayaa muddooyinkii dambe waxa ay noqotay marin ay maraan dadka doonaya inay dalalka Yurubta ku galaan sida sharcidarada ah.