Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo shir uga qeyb galay Itoobiya, (Maxaa Looga Hadley shirka? (SAWIRO)

0
615

Adis-Ababa,(Markacadeey):- Wararka laga helayo magaalada Adis Ababa, xarunta dalka Itoobiya ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dhacaey shir ay ka qeyb galayaan Teliyeyaasha ciidamada Dalalka Afrika.

Soomaaliya Shirkan waxaa uga qeyb galaya Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed

Wararku waxay leeyihiin Shirka ayaa looga hadlay sidii Afrika ay u yeelan lahayd ciidamo gurmad ah oo ay qaaraddu leedahay,  iyo armaha nabad galyada badaha qaaradda Afrika.

Sidoo kale, shirka ayaa looga hadlay diyaarinta qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Somalia.

Taliyaha XDS Sareeye Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa kulanka ka sheegay in ciidmada Qalabka sida ee Soomalia ay u diraar garoobayaan, sidii ay ula wareegi lahaayeen guud ahaan sugidda ammaanka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa u had celiyay ciidamada Africa ee dhiiggooda u huraya nabadgalyada Soomalia.

 qorshaha qorshaha1 qorshaha3

Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbineynaa.

Xafiis wareedka Markacadeey.com

Muqdisho- Soomaaliya

E-mail: madkacadeeymedia@gmail.com