Wasiirka Arrimaha Dibadda Ingiriiska oo Muqdisho imaanaya

0
370

phil_1783078b-150x150

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Wadanka Ingiriiska ayaa sheegtay in Beri oo Khamiis ah uu Magaalada Muqdisho soo gaari doono Wasiirka Arrimaha dibadda UK Philipp Hammond,waxaana uu Kulamo la qaadan doonaa Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Philipp Hammond ayaa Madaxda Dowladda Federaalka kala hadli doona Arrimo la xariira Doorashooyin Soomaaliya ka dhici doona Bisha August ee Sanadkaan.

Sidoo kale Jimcaha soo socda oo ah 3-da Bishaan ayaa waxaa la sugayaa inuu Muqdisho yimaado Madaxweynaha wadanka Turkiga Racab Tayyip Erdogan