Weeraryahanka PSG Ee Edinson Cavani Oo Qish Weyn ka Bixiyay Mustaqbalkiisa Kooxda Parc Des Pricness Ku Ciyaarta

0
557

Cavani-481x300

Edinson Cavani ayaa qirtay inuu aad ugu faraxsan yahay in lala xiriiriyo kooxda Atletico Madrid inkastoo uu sheegay in wali uu qandaraas kula jiro kooxda Paris Saint-Germain.

ISagoo saxaafada kula hadlayay xarunta ay Uruguay isugu diyaarineyso -Copa America wuxuu sheegay in ninka ay isku wadanka yihiin ee Diego Godin uu kala sheekesytay arinta kooxda Atletico wuxuuna yiri isagoo ka hadlayay arintaas “Waa koox aad u adag, farxad ayeeyna i galineysaa inaan maqlo iney i xiiseynayaan sababtoo ah waa wax aad u wanaagsan midaas”.

“Waxaa xiisaha ii soo bandhigay madaxweynahooda waxaana sidoo kale halkaas ila jecel Diego Godin, wuxuu aad u doonayaa inaan la ciyaaro, laakin marnaba ma ogid waxa dhici kara, laakin maanta waxaa xaqiiq ah inaan heshiis kula jiro oo aan ahay ciyaariyahan PSG ah, waa inaan ixtiraamaa ilaa maalinta ugu danbeysa ee aan xirinayo maaliyadooda”.

XIdigaan ayaa ugu danbeyn sheegay in kabtanka wadankiisa uusan ula soo xiriirin kaliya arin suuqa ah ee uu sidoo kale xiriiriyo dhamaan ciyaartooyda ay xulka ka wada tirsan yihiin ee uu kabtanka u yahay.