Abaanduule Faarax: “Baaritaan ayaa ku socda Shaqsiyaadkii soo masaafuriyay Sheekh Urur”

0
389

sheekh urur

Isagoo la hadlayay Idaacadda Shabelle, Abaanduulaha Ciidamada Militariga ee Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo, Korneel Faarax Cabdi Cashara ayaa waxuu sheegay in mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere ay ka dambeeyeen qorshihii lagu soo masaafuriyay Sheekh C/casiis Sheekh Aadan (Urur) oo ka mid ah Culimaa’udiinka  ugu caansan Magaalada Baardheere.

Abaanduulaha Ciidamada Militariga ee Gobolka Gedo ayaa waxuu tilmaamay in Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan Maamulka Baardheere ay cadaadis xoogan ku sareen Sheekh Urur in uu isaga baxo Magaalada Baardheere.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu xusay in ay sharci darro tahay in dareeska Ciidamada Dowladda lagu dhibaateeyo Shacabka Soomaaliyeed.

Korneel Faarax Cabdi Cashara ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Dadkii ku lug la haa in Sheekh C/casiis Sheekh Aadan (Urur ) loo soo masaafuriyo Magaalada Muqdisho.

“Waxaa socda baaritaano ku aadan shaqsiyaadkii ka dambeeyay in Sheekh Urur la geeyo Magaalada Muqdisho, isagoo ku sugan Degmada Baardheere, taalabo ayaa laga qaadi doonaa cid falkaasi lagu helo” ayuu yiri Korneel Faarax.

Dhawaan ayee aheyd markii mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay Sheekh C/casiis Sheekh Aadan (Urur) u soo masaafuriyeen Magaalada Muqdisho.