Falanqeynta Kulanka Xiisaha Iyo Xamaasada Leh Ee Finalka Koobka Euro 2016 Ee Portugal v France.

0
333

Cmym0F3WIAA1i73

Portugal v France

Kulanka: Finalka Euro 2016

Garoonka: Stade de France

Waqtiga: 10pm SGA

Garsoore: Mark Clattenburg

Xulka martigeliyayaasha ayaa ugu cadcad inay hantaan koobka Euro 2016 waxaana ay ka horimaanayaan xul si lama filaan ah ku soo gaaray finalka islamarkaana wado qardo jeex ah u soo maray.

Laakiin kulamada kama danbeysta ee Koobka Qaramada Yurub mar walna ma noqdaan kuwa raaca saadaasha, iyadoo guuldaradii lama filaanka aheyd ee Portugal ka soo gaartay Greece finalkii 2004 ay marqaati u tahay.

12 sannadood ka dib kulankaas xaalada si cagsi ah ayay isku wareejisay, xulka martigelinaya koobka ayaa cadaadiska uu saaran yahay madamaa ay heystaan taageerada gurigooda halka Portugal ay markaan noqdeen kooxda aan ugu cadcadeyn koobka balse niyadjabin karto qaranka France.

Laakiin taariikhda waxa ay u janjeertaa dhanka Les Bleus kuwaasoo badiyay 10kii kulan ee ugu danbeysay ee ay wajaheen Portugal oo ay ku jirto seddex kulan oo tartan heer caalami ah iyadoo ku reebay semi-finalka Euro 84, Euro 2000 iyo Koobkii Adduunka ee 2006.

MAXAA KA CUSUB?

Daafaca reer Portugal Pepe ayaa la filayaa inuu soo laabto kulanka caawa ee finalka ka dib markii uu kulankii wareega afar dhamaadka ku seegay dhaawac muruqa bowdada ah.

Tababare Fernando Santos ayaa ku qasban inuu kala go’aansado haddii uu sii aaminayo Danilo ama haddii uu dib ugu soo yeeranayo William Carvalho kaasoo ganaax hal kulan ah soo dhameystay.

Macalinka xulka Faransiiska Didier Deschamps ayaa mar kale filanaya in 23kiisa ciyaartoy ay diyaar u wada ahaadaan.

Madax wareerkiisa ugu weyn ee dhanka soo xulashada ayaa ah haddii uu dib ugu soo yeeranayo khadka dhexe N’Golo Kante ama haddii uu booskaas u sii deynayo Moussa Sissoko.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Euro2016-badge-portugalPortugal: Rui Patrício; Cédric, Pepe, Fonte, Guerreiro; William Carvalho, Adrien, João Mário, Renato Sanches; Nani, Ronaldo.

 

Euro2016-badge-franceFrance: Lloris; Sagna, Koscielny, Umtiti, Evra; Pogba, Matuidi; Sissoko, Griezmann, Payet; Giroud.

 

MA OGTAHAY?

  • France ayaa badisay 10kii kulan ee ugu danbeysay ee ay ka horyimaadeen Portugal. Rikoorkooda kulamada oo dhan ayaa ah 18 guul hal barbaro iyo shan guuldarro.
  • Markii ugu danbeysay ee ay Portugal ka fogaato guuldarro ka soo gaarta France waxa ay aheyd sannadii 1975 markaasoo ay ciyaar saaxiibtinimo oo ka dhacday Paris ay ku badiyeen 2-0.
  • 10ka kulan ee isku xigta ee ay France ka badisay Portugal waxaa ku jira seddex kulan oo tartan heer caalami ah, kuwaasoo dhamaantood ahaa wareega afar dhamaadka. Michel Platini ayaa dhaliyay gool soo daahay iyadoo France ay 3-2 ku badisay waqtigii dheeriga ahaa koobkii Euro 84. Halka Zidane uu dhaliyay goolka dahabiga oo ahaa rigoore iyadoo France ay 2-1 ku badisay Euro 2000. Rigoore kale uu dhaliyay Zidane ayaa France u soo saartay finalkii Koobk Adduunka ee 2006 iyagoo 1-0 ku badiyay.