Mareykanka oo taageeraya doorashada Soomaaliya

0
106

john-kerry-statement-syria-580

Xoghayaha arimaha dibadda ee dowladda Mareykanka Kerry ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay taageero dheeraad ah siin doonto dowladda Soomaaliya ,si sanadkaan doorashooyinka Soomaaliya ay ugu dhacaan sidii loogu tala galay.

Xoghayaha arimaha dibadda Mareykanka dowladda Mareykanka John Kerry ayaa intaas ku daray in dowladda Mareykanka ay ka taageerayso Soomaaliya dadaalka ay ugu jirto sidii loo dhisi lahaa dumuqraaddiyadda iyo sidoo kale hormarka Soomaaliya.

John Kerry ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Mareykanku ay ku rajo weyn yahay in doorashada sanadkan ay noqoto mid ku dhacda dimuqraddiyad, ammaan.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladdaha taageera Soomaaliya ,waxaana dowladda Mareykanku ay dhawaan u soo magacowday Soomaaliya safiir cusub.