Askari Turkish ah oo ku dhintay Suuriya

0
320

t13

Askari Turkish ayaa ku dhintay dagaal ay ciidanka dalkiisa waqooyiga Suuriya kula galeen dagaalyahanno Kurdiyiin ah.
Waa askarigii ugu horreeyay ee Turkiga uga dhinta duulaanka ay ku qaadeen deegaannada dariska la ah ee gudaha Suuriya, si ay halkaasi uga saaraan ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga.
Dagaalka ayaa ka dhacay meel u dhaw magaalada Jarablus, taasoo ay todobaadkan qabsadeen dagaalyahanno uu Turkiga taageerayo.
Weli waxaa socda dadaalada diblomaasi ee xalka loogu raadinayo colaadda Suuriya, taasoo u muuqata mid aan dhammaaneyn