Fanaanada Nasteexo Indho oo shaacisey Sababta loogu diidey Bandhigii Hargeysa(DAAWO MUUQAAL)

0
753

nasteexo_indho

Fannaanadda Nasteexo Indho oo habeenkii Sabtidii aanu ka soo gudubtay laga hor-istaagay in ay bandhig faneed ka dhigto Magaalada Hargeysa ayaa ka hadashay Arrintaasi.

Nasteexo Indho oo hadda ku sugan magaalada Dubai, waxay shaaca ka qaadday in ujeedka bandhig faneedkeeda loo joojiyay uu ahaa mid laga dheehan karay nacayb shakhsiyadeed, bacdamaa iyada kaliya la bartilmaameedsaday.

Fannaanadda ayaa sheegtay in Askar soo galay Hotel Crown oo bandhig faneedka uu ka dhici lahaa loo sheegay fannaaniintii kale ee la joogtay in ay sii joogi karaan, balse waxa aan heeso qaadi karin ay tahay kaliya Nasteexo Indho.

Nasteexo ayaa Maalmo ka hor inta aan laga hor joogsan Bandhiga ay ka sameyn lahayd Hargeysa, loo diidey in ay Bandhig ka sameyso Deegaanada Puntland, iyadoo culumaa’udiinka ay arrintaasi ka hadleen, Soona jeediyeen in aan la ogolaan Karin in Bandhigyada noocaas ah lagu qabto deegaanada Puntland.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA NASTEEXO AY ARRINTANI UGA HADLEYSO.