Kenyan ku lug yeeshey qarixii Hotelka Naasa Hablood ee Muqdisho

0
1215

WASIIRKA-AMMAANKA-JUBBALAND-640x427

Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, C/rashiid Xasan C/nuur ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir looga hadlayey Iskaashiga Ammaanka ee Puntland iyo Kenya oo lagu qabtay Degmadda Mandera ee W/bari Kenya.

Wasiirka oo la kulmay Taliyaha Boliska Mandera, Fedrick Shisia ayaa tilmaamay inay 3 nin oo u dhalatay Kenya mas’uul ka ahaayeen Weeraradii waa weynaa ee dhawaan ka dhacay magaalladda Muqdisho oo ay ku geeriyoodeen Tobaneeyo qof, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan haynaa inay Kenyaan qorsheeyeen weeraradii lagu guuleystay ee ka dhacay Somalia” ayuu yiri Wasiirka Amniga ee Maamulka Jubbaland, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay Kenyanka qorsheeyey Weeraradaasi ka mid yihiin Yuusuf abdi iyo Isaaq Goila.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in Qaraxii weynaa ee lala beegsaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalladda Muqdisho inuu soo qorsheeyey in Kenyan oo ka yimid Degmadda Mandere, kaasi oo la oran jirey Isaaq Ibraahim Diyaari.

Bishii July 26-dii ee sannadkan ayey ahayd markii Qarax xooggan lala beegsaday Hotelka Naasa Hablood ee magaalladda Muqdisho, waxaana ku geeriyooday ugu yaraan 1 qof, halka 20 kalena lagu dhaawacay.

Markacadeey.com