Nigeria oo Ciidamo u soo dirtay Soomaaliya

0
30

nigeria

Dowladda Nigeria oo ka mid ah dalalka Qaarada Afrika ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidan boolis ah , ku waasoo la sheegay in ay la shaqeyn doonaan ciidamada Booliska AMISOM ee ku sugan ee gudaha Dalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan dowladda Nigeria ayaa sheegay in ciidamada loo soo diray Soomaaliya yihiin ciidamo qibarad badan leh oo wax badan ka badeli doono ciidanka Booliska AMISOM iyo sidoo kale Ciidanka Booliska Soomaaliyeed tababaradooda.

Ciidanka dowladda Nigeria u soo dirtay Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasay 17 Askari oo boolis ah sida ay sheegtay dowladda Nigeria.

Kuxigeenka Booliska AMISOM Charisnie Alalo ayaa sheegay in ciidankaan ay waxbadan kusoo kordhin doonaan howgalka AMISOM ,waxuuna sheegay in ay qaateen sida ay loo la dhaqmo dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale Maalmoo ku saabsan Jawiga Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay  bedel u noqon doonaan saaxiibadooda joogan Soomaaliya, ku waa soo muddo la soo shaqeeyay ciidanka AMISOM.

Soomaaliya waxaa jooga ciidamo Boolis kuwaa soo oo qeyb  ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM .