RASMI: Macalinkii Hore Man City – Manuel Pellegrini – Oo Shaqo Ka Helay Horyaalka Shiinaha

0
481

Pellegrini

Tababarahii hore Manchester City Manuel Pellegrini ayaa loo magacaabay macalinka cusub ee kooxda Hebei China Fortune ee ka ciyaarta horyaalka Shiinaha.

62-jirkaan reer Chile ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo dhamaadkii xili ciyaareedka 2015/2016 kadib markii lagu badalay Pep Guardiola.

Si rasmi ah ayaa maanta oo Sabti ah loogu magacaabay xilka tababaranimo ee kooxda Hebei China Fortune iyadoo kooxda ay ku shaacisay bogga rasmiga ah oo ay ku leeyahiin (Weibo) oo ah barta bulshada ugu caansan dalka Shiinaha. Wuxuu tababare u noqon doonaa ciyaartoyda kala ah: Ezequiel Lavezzi, Gervinho, Stephane Mbia, Gael Kakuta Iyo Ersan Gulum kuwaas oo dhamaantood ka tirsan kooxdaan ku ciayarta Qinhuangdao Olympic Sports Center Stadium.

Sida warbixinta lagu sheegay kooxdaan waxey u damacsaneed markii hore Roberto Mancini, balse dalabkaas macalinka reer talyaani wuu iska diiday.

Hebei haatan waa kooxda kaalinta 7-aad iyadoo 15-dhibcood ka hooseysa kooxda hogaamineysa horyaalka ee Guangzhou Evergrande Taobao taas oo uu maamulo macalinkii Brazil u qaaday koobka Aduunka 2002 Luiz Felipe Scolari.

Balse waxey kaliya 5-dhibcood u jiraan booska looga soo baxo Champions League-ga qaaradda Asia iyadoo horyaalka ay harsan tahay 7-kulan.