RASMI: Manchester City Oo Si Rasmi Ah U La Soo Wareegtay Xiddigii Schalke Leroy Sane.

0
695

sane

Kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee kooxda Schalke iyo xulka Jarmalka Leroy Sane isagoo qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah.

Leroy Sane oo muddo badan lala xiriirinayay kooxda Ingariiska ayaa uga soo wareegay kooxda Schalke heshiis 37 milyan ginni ah, isagoo shalayto ku sugnaa magaalada Manchester si uu dhameystiro ku biiritaankiisa kooxda Sky Blues.

“Waan ku faraxsanahay halkaan, waana ku faraxsanahay in wax walba ay shaqeeyeen. Haatan waan saldhigan karaa Manchester, waxaana u ciyaarayaa City.” ayuu u sheegay kanaalka CityTV.

“Mid ka mid ah sababaha aan kooxda ugu biiray waa Pep Guardiola; waxa uu iga dhaadhiciyay inaan halkaan imaado, iyo inaan horumar sii sameeyo. Waan ogahay inaan wax badan ka hoos baran doono, waxaana qaadi karaa talaabada xigta ee waayaheyga ciyaareed”

Leroy Sane ayaa Manchester United u xiran doona lambarka 19.