Sam Allardyce oo John Terry ugu baaqay in uu ku soo laabto Xulka dalka England.

0
1444

England-620x360

Tababaraha xulka England ayaa albaabada u furay difaacyahanka John Terry oo muddo ka hor ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah.
Allardyce ayaa sheegay in Terry oo aan xulka Ingiriiska u ciyaarin tan iyo sannadkii 2012, in ay u furan yihiin albaabadu, isla markaana uu dib ugu yeedhayo haddii uu diyaar u yahay si uu uga caawiyo khadka difaaca.
Big Sam oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi isagoo si gaar ah u tilmaamaya Terry: “Ma garanayo in ay tahay arrin siyaasadeed (sababtii uu uga fadhiistay ciyaaraha), laakiin waa inaan la sheekayso oo haddii ay suurtogal tahay aan dib ugu yeedho John Terry.
Terry ayaa ka fadhiistay ciyaaraha markii ay ganaaxeen xidhiidhka FA kadib markii lagu eedeeyey in uu aflagaaddo cunsuriyad ah kula kacay Anton Ferdinand iyo waliba khaayinimo uu ku sameeyey Wayne Bridge oo la sheegay in uu qoyskiisa u daba-maray.

Markacadeey.com