Taliyaha Booliiska iyo Axmed Madoobe oo kormeerey Saldhigyada Booliiska Kismaayo.

0
58

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidadamada Booliska Soomaaliya Maxamed Sh, Xasan Xaamud ayaa Maanta Talaado 16-8-2016 kormeer ku tagay Saldhiga Ciidamada Booliska Jubbaland ee Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha iyo Taliyaha ayaa kormeeray qaybaha kala duwan ee Saldhiga Magaalada Kismaayo oo hada Talis guud u ah Ciiidamada Booliska Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland iyo Taliyaha ayaa booqday qaybta isgaarsiinta Ciidamada Booliska iyadoo Madaxweynahu uu si toos ah ula hadlay Saldhigyada Ciidamada Booliska ee Muqdisho Baladweyne Jowhar Carmo iyo Baydhabo isagoo ka xog waraystay sida ay saaka ku waabariisteen iyo xaaladaha guud ee Magaaloyinkaas.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam waxaa uu sarakiisha ku sugnaa Saldhigyada kala duwan ee Soomaaliya uu kula dardaarmay in ay laba jibaaran hawlaha Qaran ee ay hayaan isla markana ay ku dadaalan sidii qalabka ay isticmaalayaan uu u noqon lahaa mid xafidan oo aan cadawga u gudbin.

Intaas kadib Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxaa ay kormeereen qaybaha Tababarka waaxda dambi barista iyo qaybta mando musiko iyadoo uu Madaxweynahu uu dhamaan warbixino ka dhagaystay Sarakiisha iyo hogaanada kala duwan oo qaybaha Ciidamada Booliska Jubbaland.

booliiska booliiska1 booliiska2