Claudio Ranieri Oo Sheegay In Aflagaadooyinkii Uu Mudada Sannadaha Aheyd Kala Kulmay Jose Mourinho Inay Noqotay Taariikh Hore Ka Hor Kulankooda Old Trafford

0
831

claudioranieri-cropped_yuo5qyvov52h1rkqnz91a0p71

Tababaraha Leicester City Claudio Ranieri ayaa sheegay in Jose Mourinho uu yahay shaqsi fantastik ah, islamarkaana wax walba oo dhibaato ah oo dhexmaray inay  noqotay taariikh hore.

Kooxda horyaalka Premier League heysata ayaa berri kula ciyaareysa garoonka Old Trafford kooxda Manchester United, iyadoo labada tababare ay hore isagu dhaceen.

Mourinho ayaa ku tilmaamay Ranieri ‘guuldareyste’ ka dib markii uu ka bedelay shaqada Chelsea, waxa uu sidoo kale aflagaadeeyay markii uu tababare ka ahaa Inter Milan.

Ranieri ayaa yiri: “Mourinho waa tababare fantastik ah, waa nin caqli badan. Wixii ina dhexmaray waa waa hore. 

Mourinho ayaa ka bedelay Ranieri shaqada Chelsea sannadii 2004 waxaana uu sheegay inay kooxda u arkeysay tababaraha Talyaaniga inuu yahay ‘guuldareyste’ ka hor inta aysan labada nin isku dhicin intii ay wada joogeen Serie A.

Tababaraha Manchester United ayaa seddexda koob la qaaday Inter Milan sannadkiisii ugu danbeysay ee Serie A ee 2010 halka Ranieri uu mudadaas tababare ka ahaa Juventus iyo Roma.

Mourinho ayaa markaas ku dhaleeceeyay sida Ranieri uusan u aqoon in si saxan loogu hadlo luqada Ingariiska, waxaana uu mar kale su’aal ka keenay haddii uu leeyahay maskax uu koobab ku qaadi karo.

Laakiin Ranieri ayaa sheegay in aflagaadooyinkaas ay haatan noqdeen taariikh hore.

“Xiriirkeena waa Fantastik, waa mid aad u fiican, wax dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri.

“Sabab? Ma xusuusataa xagaagii markii aan ciyaarnay kulankii tabarucaada Soccer Aid, waxaan tababare kooxdii Dunida Inteeda Kale ka socotay isagana kooxda Ingariiska ayuu watay.

“Malaha waa inuu i siiyo qamriga casaanka ee fiican. Waan jeclahay qamriga casaanka ah, haddii uu isiiyo waan baxayaa waana la cabayaa ka dib kulanka sabtida.”