Cristiano Ronaldo Oo Xaqiijiyay Inuu Ciyaaro Kulanka Sabtida Ay Real Madrid Wajaheyso Osasuna

0
670

cristiano-ronaldo-1473350257047

Weeraryahanka Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa xaqiijiyay shalayto inuu ciyaari doono kulankiisii ugu horeysa ee xilli ciyaareedka kulanka ay Los Blancos wajheyso sabtida kooxda Osasuna.

Ronaldo ayaa ka hadlayay xaflad lagu soo bandhigayay cadarkiisa cusub oo ka dhacday dukaanka Madrid ku yaala ee La Moraleja ayaa wax laga weydiiyay inuu ciyaari doono kulanka Osasuna.

Ma uusan u ciyaarin kooxdiisa tan iyo finalkii Champions League ka dib markii uu ku dhaawacmay finalkii Euro 2016 ee xulkiisa Portugal uu ku guuleystay koobka, laakiin waxa uu ku jawaabay “Haa, haa” markii la weydiiyay haddii uu ciyaari doono isbuucaan.

Cristiano Ronaldo ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo kulanka Osasuna, waxaana kulanka La Liga uu sidoo kale u noqon doonaa mid uu isagu diyaarinayo kulanka bartamaha isbuuca ee Champions League.

Cristiano Ronaldo ayaa seegay kulankii Uefa Super Cup iyo labadii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedka La Liga oo ay Real Madrid badisay.