Luis Suarez Oo Aflagaadeeyay Filipe Luis Ka Dib Markii Uu Qalad Ku Galay Habeen Hore: “Waad Istuurtay, Doqonyahow

0
622

1474552104_490530_1474555897_noticia_normal

Arimaha muranka dhaliyay ee u dhaxeeya Luis Suarez iyo Filipe Luis ayaa weli socda. Muuqaalo ka soo baxay kulankii habeen hore ee Barcelona iyo Atletico Madrid ku dhexmaray Camp Nou ayaa muujinaya in weeraryahanka Barcelona ka dib markii uu qalad ku galay Felipe Luis oo uu jaale ku qaatay inuu aflagaadeeyay daafaca Atletico.

Muuqaalka la helay ayaa tilmaamay Luis Suarez oo af Isbaanish ku oranaya: “Te has tirado, payaso” taasoo la micno ah “Waad istuurtay, doqonyahow” Laakiin cadeynta ah in Filipe Luis uusan istuurin ayaa soo baxday ka dib ciyaartii habeen hore markii Filipe Luis uu soo bandhigay sawir cagtiisa dhaawacan oo dhiigeysa oo ay sabab u aheyd taakalkii Suarez.

Suárez ayaana si carro leh uga jawaab celiyay sawirkaas isagoo sheegay in kubada cagta ay tahay mid rageed oo aan loo baahneyn in wax walba oo kugu dhaca sawir laga soo dhigo baraha bulshada.