RASMI: Tottenham Oo Ugu Danbayn Ku Guulaystay In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Xidigeeda Christian Eriksen

0
437

christian-eriksen_oayp7g11gh4q1s83ag2m6ltvx

Kooxda Tottenham ayaa muddo ka soo shaqaynaysay sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd xidiga kooxdeeda ee Christian Eriksen kaas oo hore loo sheegay in uu diiday in uu saxiixo heshiis cusub oo ay Spurs xili hore u soo badhigtay, waxaana hore loo sheegay in Christian Eriksen uu dalbaday mushaar qaali ah.

Christian Eriksen ayaa kooxdiisa Tottenham u saxiixay heshiis White Hart Lane ku sii hayn doona 2020 kaas oo u quus goyn doona kooxihii uu hungurigu kaga jiray saxiixa Christian Eriksen.

Heshiiska Eriksen ee Tottenham ayaa dhacayay dhamaadka xili ciyaareedka danbe waxayna ku guulaysteen in ay xidigan ka saxiixaan heshiis cusub oo waqti dheer uu ku sii joogi doono Spurs wuxuuna markii uu heshiiskan saxiixay uu yidhi: “Halkan mustaqbal fiican ayaa yaala, aniguna maan saxiixeen haddii aanan taas arkayn”.

Eriksen oo dhamaan kulamadii saddexda ahaa ee Premier Leaque-ga ugu soo bilawday kooxdiisa xili ciyaareedkan ayaa lix gool xili ciyaareedkii hore ku dhaliyay 35 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah isaga oo sidoo kale sameeyay 13 gool caawineed waxaana ka horeeyay Mesut Ozil oo kaliya.