Ronaldinho, Eto’o & Zlatan Oo Hogaaminaya Shaxda Ugu Fiican Ee Laga Diyaariyay Ciyaartoyda Uu Pep Guardiola Ka Diray Kooxahii Uu Soo Leyliyay

0
409

Barca-and-BayernBarca-and-Bayern

Tababare Pep Guardiola ayaa kooxdiisa ka diray afar xidig maalintii ugu dambeysay suuqa kala iibsiga inkastoo uu sameeyay saxiixyo waaweyn. Pep ayaa amaah ku wada diray ciyaartoyda kala ah: Nasri, Mangala, Hart iyo Bony kuwaas oo dhamaantood ka hor imaatinkiisa miisaan ku lahaa kooxdaan.

Sky Sports ayaa soo dooratay shaxda ugu fiican ciyaartoydii uu Pep Guardiola ka ceyriyay kooxahii uu soo leyliyay waxaana hogaaminaya Ronaldinho, Samuel Eto’o iyo Zlatan Ibrahimovic, balse waxaa jira ciyaartoy ka badan inta lasoo calaamadiyay.

Waayahiisa Barcelona:

Imaatinkiisii Camp Nou waxey seeftiisa ugu horeysay ku dhacday xidigii ku guuleystay koobka Aduunka ee Gianluca Zambrotta, waxaase xigay Ronaldinho oo ka mid ahaa markaas xidigahii ugu magaca weynaa ee kooxda walow aan la xaqiri karin inuu hoos u dhac ku yimid waqtigaas. Pep kuma filnaanin kaliya ee wuxuu diray sido kale Deco oo aaday Chelsea, sidoo kalana Edmilson ayaa ku biiray Villarreal, Dos Santos oo aaday Spurs iyo Thuram oo si xor ah uga tagay kooxda.

Hal xili ciyaareed kadib Samuel Eto’o ayuu u ogolaaday inuu aado Inter Milan isagoo kasoo qaatay Ibrahimovic, balse xidiga reer Sweden kuma aflaxin imaatinkiisa Camp Nou xili ciyaareed kadibna wuxuu amaah ku aaday ka hor inta uusan si rasmi ah ugu biirin xili ciyaareedkii xigay. Yaya Toure ayaa sidoo kale ka mid ahaa ciyaartoydii uu mudo yar kadib ka diray kooxda.

Waayahiisa Bayern Munich

Emre Can ayaa ahaa xidigii ugu horeeyay oo ay qaaday Seefta Guardiola kaas oo mar u dhaw waqtigaas kasoo baxay qeybta hoose ee Bayern, balse wuxuu u ogolaaday inuu aado Leverkusen. Sidoo kale Luiz Gustavo, Mario Gomez, Mario Mandzukic, Toni Kroos, Xherdan Shaqiri Iyo Bastian ayuu ka diray Bayern Munich. Si kastaba shaxda Guardiola waxaa hogaaminaya oo goolka ugu jira Joe Hart oo uu dhawaan u ogolaaday inuu amaah ku aado Torino.

SHAXDA DHIBANAYAASHA PEP:

Hart, Can, Yaya Toure, Dante, Zambrotta, Schweinsteiger, Deco, Kroos, Eto’o, Ronaldinho, IbrahimovicXI