WARBIXIN: Hadii Goolhaye Claudio Bravo Si Wayn Loogu Soo Jeediyay Qaab Ciyaareedkiisii Kulankii Manchester Derby,

0
640

bravo-474x300

Xogta laga ururiyay kulankii Manchester Derby gaar ahaan kubbad dhiibistii ay sameeyeen ciyaartoyda labada kooxood ee Manchester United iyo Manchester City ayaa si cad u muujinaysa qaabkii kooxda Guardiola ay u ahayd kooxda shaqada ugu badan ka qabtay Old Traffrod.

Guardiola ayaa shirkiisii jaraa’id ee ka horeeya kulankii Manchester Derby ku sheegay in ilaa maalinta waayihiisa tababaranimo ugu danbeeya in uu aaminsanaan doono in kubbad qurux badan la ciyaaro si loo guulaysto, wuxuuna markale muujiyay sida uu badalay ciyaartoyda Manchester City. Laakiin Guardiola ayaa arkayay goolhaye Claudio Bravo oo si xun ugu dhitooday kubbadaha dib loogu celinayay wuxuuna jecel yahay in goolhaya kooxdiisu uu kubbad u bixiyo si la mid ah ciyaartoyda kale. Goolhayayaasha uu Guardiola ugu jecel yahay ayuu ka mid yahay Manuel Neuer oo uu Bayern Munich kula soo shaqeeyay kaas oo kubbada bixiya mararka qaar in ka badan ciyaartoyda khadka dhexe.

Haddaba min imisa kubbadood ayay bixiyeen ciyaartoyda kooxaha Manchester United iyo Manchester City ee kulankii Old Traffrod? Waxyaabaha cajiibka ah ee ka soo baxay kulankii Manchester Derby ayay ka mid tahay in labada xidig ee Paul Pogba iyo Marouane Fellaini oo Man United ugu kubbad dhiibis badnaa ay wax yar ka sare mareen goolhaye Claudio Bravo oo ka mid ahaa xidigihii ugu badhiga xumaa Manchester City. Marka laga reebo Pogba iyo Fellaini, muu jirin hal ciyaartoy oo Man United ah oo kubbada dhiibay in gaadhaysa 40 jeer David Silva ayaa noqday xidigii ay kubbadu lugtiisa ka bixi wayday wuxuuna bixiyay 72 kubbadood, halka Marouane Fellaini uu ahaa xidiga Manchester United kubbadaha ugu badan u bixiyay isaga oo dhiibay 47 kubbadood waana in 3 kubbad dhiibis ka badan intii uu Claudio Bravo bixiyay Kolarov ayaa bixiyay 67 baas halka Pual Pogba oo ciyaartoyga labaad ee Man United ahaa uu bixiyay 45 kubbadood oo kaliya. Rooney ayaa bixiyay 31 kubbadood oo kaliya halka Otamendi uu bixiyay 55 kubbadood. Laakiin ciyaartoyda badalka kulankan ku soo gashay ayaa sameeyay kubbad dhiibistii ugu yarayd sida la filan karo . Halkan hoose kaga bogo ciyaartoy kastaaba intii kubbadood ee uu bixiyay labada kooxood.

Kubbad Dhiibistii Ciyaartoyda Manchester United: Fellaini (47), Pogba (45), Blind (39), Valencia (34), Rooney (31), Bailly (31), Ander Herrera (29), Shaw (27), De Gea (25), Ibrahimovic (20), Mkhitaryan (20), Rashford (14), Lingard (10), Martial (4)

Kubbad Dhiibistii Ciyaartoyda Manchester City: Silva (72), Kolarov (67), Fernandinho (65), Nolito (63), Otamendi (55), Stones (50), DeBruyne (48), CLAUDIO BRAVO (44), Sagna (43), Iheanacho (28), Sterling (21), Fernando (19), Sané (17), Zabaleta (1).

Pep Guardiola ayaa si adag u difaacay badhigii lala yaabay ee Bravo wuxuuna sheegay in goolhayaha ree Chile uu sameeyay mid ka mid ah badhigii ugu fiicnaa wuxuuna yidhi: “Waxa uu Claudio sameeyay waxa uu ahaa badhigii ugu fiicnaa ee aan waligay arkay”.

38286d7c00000578-3782950-image-a-25_1473508258888 3828e14100000578-3782950-image-a-84_1473512073951