Zlatan Ibrahimovic Oo Digniin U Diray Kooxaha Ingariiska: Aniga Iyo Mourinho Waxaan Nahay Guuleystayaal

0
585

ibrahimovicmourinho-cropped_1hudnvt68updt13gxt6erhvcz0

Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in isaga iyo Jose Mourinho ay yihiin guuleystayaal islamarkaana ay guulaha ku soo celin doonaan Manchester United.

Labada nin ayaa kuwada guuleystay koobka Serie A markii ay joogeen Inter Milan xilli ciyaareedkii 2008-09 ka hor inta uusan Ibrahimovic ku biirin Barcelona.

Ibrahimovic oo 34 sanno jir ah ayaa qaab wanaagsan ku bilowday tan iyo markii uu Mourinho kula midoobay Manchester United isagoo dhaliyay seddex gool seddexdii kulan ee ugu horeysay ee xilli ciyaareedka Premier League.

Weeraryahanka ayaana si buuxda u amaanay tababaraha iyagoo isku diyaarinaya kulanka Manchester City ee sabtida ka dhacaya garoonka Old Trafford.

“Hore ayaan u garanayay tababarahaan. Waan garanayaa waxa uu doonayo iyo waxa uu dalbanayo” ayuu Ibrahimovic u sheegay barnaamijka BBC ee Football Focus.

 Mourinhow aa guuleyste si la mid ah anigana waxaan ahay guuleyste. Waxaan sameyn doonaa wax walba sidii aan ku badin lahaa isagana sidaas ayuu ku fekeraa.

“Wuu soo badiyay, waan soo badiyay, waan soo badinay, waxaan soo badinay markii aan da’ yareeyn haatan oo yara weynaanayna waan badin doonaa.

“Meel kasta uu tagay wuu soo badiyay. Porto wuxuu kula guuleystay Champions League, cidna ma aysan fileynin taas.

“Muddo kooban ayuu guulo badan ku gaaray. Waxaad arkeysaa tababarayaal ay muddo dheer ku qaadaneyso guusha islamarkaana ay kooxda u sabreyso.”

Xiddigii hore ee xulka Sweden ayaa sidoo kale sheegay inuu taageere u yahay daacadnimada tababaraha reer Portugal, waana wax ay isaga mid yihiin sida uu sheegay.

“Qof walba si toosan ayuu u la hadlaa. Ma ahan tababare xantama oo gadaashaada ka hadlaya, wixii uu ka aaminsan yahay si toos ah ayuu kuugu sheegayaa. Haddii aadan fiicneyn ma fiicnid.” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waxa uu sameeyaa wax walba uu guul ku gaari karo, waxaana uu hubiyaa inuu guul gaara. Waa sida aniga oo kale, ma aqbalo guuldarada.”