Chelsea Oo Leonardo Bonucci Ka Dhigeysa Daafaca Ugu Qaalisan Aduunka

0
511

bunci

Leonardo Bonucci ayaa lagu iibsan donaa £60 million bisha Janaayo kadib markii Roman Abramovich uu ka aqbalay Antonio Conte inuu soo iibsado daafacan uu ku riyoodo.

Inkastoo ay Chelsea £30m kusoo qaadatay David Luiz suuqii xagaaga si uu u daboolo dhibaatada daafaca ee ay xalin waayeen John Terry iyo Gary Cahill hadana Blues wali waxaa ay u baahan tahay joojiye gadaale oo sax ah.

Jariirada The Telegraph ayaa sheegtay in Chelsea ay diyaar u tahay in daafacan ay ka dhigto daaficii ugu qaalisanaa aduunka marka ay kusoo qaataan £60million.

Taajirka iskaleh Chelsea Roman Abramovich ayaa maalmahan waqti badan ku bixiyay joogista xarunta tababarka Chelsea ee la yiraahdo Cobham kadib markii ay kooxdiisu qasaarooyin waa weyn kala kulantay Liverpool iyo Arsenal tiiyoo sidoo kale ay bar bar dhac la galeen Swansea.

Kulankoodii koowaad ee bishan October ayey badiyeen iyagoo aan gool laga dhalin markii ay la ciyaareen Hull City laakiin naadiga galbeedka London wali waxaa u muuqata jil jileec ka jirta qeybta dambe waxaana ay daafaca Italy u arkaan xalkooda,ninkaan ayaa sidoo kale waxaa xiiseynaya tababaraha Man City Pep Guardiola.

Daafacan dhexe waxa ay mudo saddex sano ah Juventus kusoo wada qaateen tababare Conte waxaana saaxibtinimadaas la filaya iney ka caawiso Chelsea loolanka loogu jiro ciyaariyahankaan.