Gerard Oo Premier League Ku Laabanaya, City & United Oo Ku Dagaalamaya Saxiixa Toni Kroos Iyo Wararkii Kale Ay Qoreen Wargeysyada Maanta.

0
424

_91487447_star

Swansea ayaa ku dhow inay ceyriso tababare Francesco Guidolin ka dib markii ay shalayto guuldarro 2-1 ka soo gaartay Liverpool, halyeeyga Manchester United Ryan Giggs ayaa hogaaminaya raga u sharaxan bedelkiisa. (Sunday Telegrpah)

Ciyaaryahankii hore ee Liverpool Steven Gerrard oo 36 sanno jir ah ayaa ku soo laaban kara Premier League marka qandaraaskiisa LA Galaxy uu dhaco bisha danbe. (Sunday Mirror)

Tababaraha Jarmalka Ralf Rangnick ayaa sheegay inaan loo soo bandhigin shaqada tababare ee xulka Ingariiska, 58 jirkaan ayaa ka mid ahaa ragii loo wareystay shaqada ka hor inta aan la magacaabin Sam Allardyce xagaagii. (Sky Germany)

Manchester City iyo Manchester United ayaa labadaba doonaya xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Toni Kroos. (Metro)

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa loo sheegay inuu ciyaartoy iska iibiyo marka hore ka hor inta uusan la soo wareegin daafaca 32 jirka Southampton ee lagu qiimeeyo 10 milyan ginni Jose Fonte. (Sun on Sunday0

Tababaraha ku meel gaarka ah Mike Phelan ayaa kalsooni ku qaba in mustaqbalkiisa kooxda la xalin doono inta lagu maqan yahay ciyaaraha caalamiga. (Mail on Sunday)

West Ham ayaa ka fiirsaneysa inay ku bedesho tababare Slaven Bilic tababarihii hore ee kooxda AS roma Rudi Garcia. (Sunday Express)

Kooxda Liverpool ayaa xiiseyneysa weeraryahanka 22 sanno jirka Athletic Bilbao Inaki Williams. (Don Balon)

Inter Milan ayaa ku dhawaaneysa inay heshiis ka gaarto saxiixa daafaca midig ee Manchester United Matteo Darmian oo 26 sanno jir ah. (Mail on Sunday)

Wakiilka weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa sheegay in 34 jirkaan uu diiday lacag qaali aheyd uu ugu wareegi lahaa Shiinaha isagoo ka doortay inuu u wareego Old Trafford. (ESPN)

Madaxa xiriirka kubada cagta Ingariiska Martin Glenn ayaa sheegay in xiriirka uu kala shaqeyn doono barlamaanka Ingariiska baaritaan eedeymihii ugu danbeeya ee musuq maasuqa hareeyay kubada cagta Ingariiska. (Observer)

Xiddiga khadka dhexe ee Man City Samir Nasri oo 29 sanno jir ah amaahna ku jooga Sevilla ayaa doonaya inuu u wareego kooxda ay City iska leedahay ee Mareykanka ka dhisan ee New York. (Star)

Manchester United  ayaa weerar ku ah kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester City iyagoo doonaya inay la soo wareegaan afar nin oo ka mid ah raga kala shaqeeya indha indheynta ciyaartoyda mustaqalka leh. (Sunday Mirror)