Ma ogtahay in Cristiano Ronaldo uu Gool ka dhaliyey koox kasta oo dheeshey Horyaalka La Liga

0
607

ABRAZOS Y ALEGRIAS

Weeraryahanka kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo oo Sabtigii Sadexleey u dhaliyey kooxdiisa ayaa Goolashaas waxa ay ka dhignaayeen in ugu yaraan uu Xidigaas shabaqeeda taabtay Naadiga kasta oo dheeshey Horyaalka La Liga Tan iyo 2009 kii.

Cristiano Ronaldo ayaa Kooxdii 31 aad ee Horyaalka Spain ah ka dhaliyey Goolashii Sabtiga waxaana Taasi ay ka dhigantahay in uusan Cafin Koox kasta oo uu ka hortgay Horyaalka Spain intii uu Joogey Real Madrid.

Xidiga dalka Portugal ayaa sidoo kale Garoonka kooxda Alaves ee Estadio Mendizorroza Waxa uu ahaa Garoonkii 49 aad ee uu Goolal ku dhaliyo intii Joogey La Liga waana Xidiga ugu badan ee Goolal ku dhaliya Garoomo kala du duwan oo intaa la eg.

Ronaldo ayaa dhaliyey Sabtigii Sadexleydiisii ugu Horeysey ee Xili Cayaareedkaan waxaana beryahaan uu lakulmayey dhaleeceyn markii sida lasheegay ay ka Guureen Goolashii faraha badnaa ee uu caanka ku ahaa.