Madaxweynaha Galmudug oo ku wajahan degmada Hobyo

0
387

guuleed

Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed ayaa ku wajahan saaka magaalo xeebeedka Hobyo ee gobolka Mudug sida ay idaacadda Risaala u sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada dowlad goboleedka Galmudug.

Ujeeda Safarka Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu soo waramaya in ay tahay dhismaha dekeda degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale tagaya deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulamo kala duwan la qaadan doona waxgaradka iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee bulshada kunool degmada Hobyo.

Magaalada Hobyo ayaa waxaa ka socda dhismaha dekeda degmada hobyo .