Puntland: “Maleeshiyaadka GalMudug oo taageero ka helaya ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya (SNA) ayaa weeraro ku soo qaadey magaalada Gaalkacyo”

0
745

puntland-1

Maamul goboleedka Puntland oo dagaal kula jira Maamulka  GalMudug oo oodwadaag ay yihiin ayaa dowlada federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku lug leedahay dagaaladii dhex maray labadaasi dhinac saacadihii ugu dambeeyay.

War Qoraal ah oo Puntland ay soo saartey ayay ku sheegtey in dagaalkii shalay (Isniin) gelinkii dambe ka dhacay magaalada Gaalkacyo, xarunta gobolka Mudug ay ka qeyb qaateen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada federaalka, waa sida lagu qorey war Murtiyeedka ay soo saartey Puntland.

Waxaa lagu sheegay Qoraalka in Ciidamo ka socda GalMudug iyo dowlada Federaalka oo iskaashanaya ay weerar ku qaadeen maamulka Puntland.

“Maleeshiyaadka GalMudug oo taageero ka helaya ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya (SNA) ayaa weeraro ku soo qaadey magaalada Gaalkacyo” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka oo Nuqul ka mid ah ay heshay Markacadeey.

“Waxay magaalada ku garaaceen hubka culus oo ay ku jiraan liska diyaaradaha oo ay ku garaaceen dhinaca Waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo shacab ay ku waxyeeleeyeen” ayaa mar kale lagu yiri Warka Qoraalka ah.

Nuqulka warMurtiyeedka ka akhriso Hoos.

war-murtiyeed-ku-aaddan-dagaalka-gaalkacyo_0001-791x1024

Markacadeey.com