Wafdi ka socda Dowlada Federaalka, Amisom iyo Xubno kaleoo tegey Magaalada Cadaado.

0
10

cadaado

Wafdi ka kala socda dowlada federaalka Soomaaliya, AMISOM iyo xubno kale ayaa gaarey Magaalada Cadaado ee xarunta KMG-ka Maamulka Galmudug.

Wararku waxay leeyihiin Wafdiga halkaasi gaaray waxa ay kala yihiin Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka, Taliyaha Ciidanka AMISOM, Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Wafdigana ay u gaareen Cadaado ayaa lagu sheegay sidii ay u dar dar gelin lahaayeen Hanaanka Doorashooyinka xubnaha Aqalka Sare iyo waliba mida Baarlamaanka.

Magaalada Cadaado ayaa waxaa lagu soo dooranayaa 36 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose iyo waliba 8 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Sare.

cadaado cadaado1 cadaado3