WARBIXIN: Waa Kuma Goolhayaha Ugu Rigoore Badbaadinta Fiican Horyaalada Yurub? Liiskaan Ka Dheeho Halka Uu Goolhayaha Kooxdaada Kaga Jiro

0
196

goalkeeeper-graphic-penalty-saves_3800749

Goolhayaha Valencia Diego Alves ayaa badbaadiyay labo rigoore kulankii ay la ciyaareen Atletico Madrid axadii, laakiin goolhayee ku fiican rigoore badbaadinta horyaalka Yurub?

Goolhayaha reer Brazil ayaa labo jeer rigoore badbaadiyay kulankii kooxdiisa ay guuldarro 2-0 ka soo gaartay Atletoco Madrid, laakiin badbaadintaas uu sameeyay waxa ay sarre u qaaday rikoorkiisa rigoore badbaadinta isagoo celiyay 22 rigoore oo ka mid ah 45 rigoore uu wajahay, waxaana ay taasi la micno tahay in ku dhawaad boqolkiiba 49 inuu badbaadiyay gool ku laadyadii uu wajahay.

Waa rikoor aysan jirin cid kale oo u soo dhawaan karta marka la xisaabo goolhayayaasha wajahay 10 ama ka badan rigoore waayahooda ciyaareed ee shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub sida Premier League, La Liga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1.

Dhanka Premier League goolhayaha ugu fiican marka ay timaado rigoore badbaadinta waa goolhayaha keydka Chelsea Eduardo kaasoo badbaadiyay 13 rigoore oo ka mid ah 35 rigoore uu wajahay waayihiisa ciyaareed, laakiin liiska Yurub waxa uu ka soo galayaa kaalinta 9aad.

Goolhayaha dooqa koowaad ee Premier League ee ugu fiican rigoore badbaadinta waa goolhayaha cusub ee Liverpool Loris Karius kaasoo badbaadiyay sideed rigoore oo ka mid ah 23 rigoore uu wajahay waayihiisa ciyaareed.

Liiska 50 goolhaye ee ugu rigoore badbadinta badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub, waana goolhayayaasha wajahay 10 ama ka badan rigoore.

3800767