Duqeyn lagu sameeyay deegaan ka tirsan Shabeelaha hoose.

0
309

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Tuulo hoos timaada Degmada Qoryooley ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi xalay ay ka dhacday Duqeyn.
Duqeyntan oo loo maleynayo in ay fuliyeen Helicoptero laga leeyahay Dalka Mareykanka ayaa waxaa lagu beegsaday saldhig Shabaabka ay ku leeyihiin Tuulo 60-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Qoryooley.
Gudoomiyaha Degmada Qoryooley Maxamed Cusmaan Shikshik oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay Duqeynta in ay dhacday xalay, sidoo kalena lagu beegsaday saldhig Shabaabka ay ku leeyihiin halkaasi.
Sidoo kale waxa uu sheegay Duqeyntan in ay ka qeyb qaateen Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo ku socda dhulka, waxaana uu sheegay in halkaasi lagu dilay 4 Dagaalame oo ka tirsan Shabaab, sidoo kalena 6 kale gacanta lagu qabtay.
Dadka Degaanka ayaa sheegay Duqeyntan in ay ku abuurtay cabsi fara badan, maadaama xilliga Duqeynta dhaceysay ay aheyd saq dhexe.
Shabaabka weli kama aysan ka hadlin Duqeyntan la sheegay in lagu beegsaday Saldhig ay ku leeyihiin Tuulo 60-KM dhinaca waqooyi kaga beegan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.