Madaxweynaha oo baaq u diray maamul goboleedyada dalka

0
115

xasan-sheekh-4

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay maamulada ka jira dalka iyo sidoo kale guddiyada doorashooyinka in ay dardageliyaan doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose .Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in doorashadu ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay , islamarkaana dowlad goboleedyada loogu baahan yahay in ay dardargeliyaan howlahooda ku aadan doorashada xildhibaanada Aqalka Hoose.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in maamulada ka jira dalka looga baahan yahay in ay ilaaliyaan hufnaanta iyo cadaalada doorashada.

Xasan Sheekh Maxamuu ayaa sheegay in waqtigu uu maaraayo meel gabagabo ah sidaas darteedna la rabo in howlaha doorashooyinka horay loo socodsiiyo.