Messi → Man City, De Gea → Real Madrid & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Talaado Ah

0
738

newspapers4

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha shabakadda Laacib.net, waxaan halkaan hoose idinkugu soo gudbineynaa wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo aan idinkaga soo aruurinayay warbaahinta caalamka. sheeko walba waxaan u xaglin doonaa halka aan kasoo xiganay taasoo meesha ka saareysa inaan masuul ka noqono dhabnimada iyo jiritaanka warkaas.

Real Madrid ayaa quuldareyneysa iney la kulanto qiimaha lagu jabin karo heshiiska goolhayaha Manchester United David De Gea, waxaana lagu sheegay 52 Malyan Oo Pound. (Marca).

Sidoo kale kooxda West Ham United ee ka dhisan London ayaa u diyaar garoobeysa iney bisha January lasoo saxiixato weeraryahanka Watford Troy Deeney kaas oo 28-jir ah. (Mirror)

Weeraryahanka qaranka England iyo Tottenham Harry Kane oo 23-jir ah ayaa doonaya inuu saxiixo heshiis cusub oo ka sareeya mushaarka uu haatan qaato ee 50-ka kun Pound isagoo rajeynaya in loo tixgeliyo sida weeraryahanada waaweyn ee horyaalka. (London Evening Standard).

Halyeyga Manchester United Gary Neville ayaa shaaca ka qaaday shaxda uu u arko iney tahay tan ugu wanaagsan ee kooxdiisii hore ay hormar ku gaari karto mar uu ka hadlayay xarunta Oxford Union – balse midkoodna kuma soo darin shaxdiisa Zlatan Ibrahimovic ama Wayne Rooney. (The Sun).

Manchester City ayaa diyaar u ah iney u dhaqaaqdo saxiixa Lionel Messi xagaaga soo aadan sida ay warineyso majalada Marca taasoo sidoo kale shaacisay in 29-jirka reer Argentina uusan daneyneynin inuu heshiis cusub u saxiixo kooxda Camp Nou ka dhisan. (Manchester Evening News).

Weeraryahanka England Daniel Sturridge ayaa diyaar u ah inuu isaga tago Liverpool bisha January iyadoo West Ham iyo Stoke ay diyaar u yahiin iney £28m ku qarash gareeyaan 27-jirkaan (Mirror)

Dhanka kale jariiradda Catalonia kasoo baxda ee SPORT ayaa ku weerartay Marca iney baahiso sheekooyinka ah inuu Messi diiday heshiis kordhinta iyagoo ku sharaxay iney tahay aargoosi ku aadan sababtii ay Barca ku diiday ka qeyb galka xafladii Marca ee lagu bixinayay abaalmarinada La Liga. (SPORT)

West Ham United ayaa u dhaqaaqday saxiixa 22-jirka kooxda Galatasaray iyo xulka Portugal Bruma sidoo kalana Tottenham Hotspur ayaa xiiso u qabta xidigaas heerka caalami. (Fanatik – Turkish)

Weeraryahanka England Daniel Sturridge ayaa diyaar u ah inuu isaga tago Liverpool bisha January iyadoo West Ham iyo Stoke ay diyaar u yahiin iney £28m ku qarash gareeyaan 27-jirkaan (Mirror)