Tottenham oo Shaacisay Dele Alli Sababta Looga Saaray Kulanka Arsenal.

0
668

alli

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Tottenham Dele Alli ayaa maqnaan doona isbuucyo kadib markii uu soo gaaray dhaawac jilibka ah, sida uu saxaafada u xaqiijiyay Tababaraha kooxda Spuers Mauricio Pochettino.

20-sano jirkaan ayaa laga saaray xulka Tottenham ayaa galabta la ciyaaraya Arsenal kulan katirsan Premier League iyadoo sidookale uu seegi doono xulka England ee isreebreebka koobka adduunka wajahay Scotland iyo ciyaarta saaxiibtinimo ee ka dhanka ah xulka Spain.

“Waxaa u qaloocday jilibka,” ayuu yiri Pochettino oo saxaafada la hadlay ka hor kulanka Arsenal.

“Waxaan rajeynayaa in aan helno isaga sida ugu dhaqsiyaha badan, waxaa nasiib xumo in xiligaan oo kale ciyaartooy muhiim ah aan weyno ayuu hadalkiisa ku daray.

“Waxa uu maqnaan doonaa isbuucyo yar, Waxaan u baahanahay inaan isaga si deg deg ah u helnaa ayuu yiri Pochettino.

Markacadeey.com