Zlatan Ibrahimovic Oo Ka Hadlay Ciyaariyahanka Uu Ku Dayan Jiray Yaraantiisa & Kulankii Ugu Fiicnaa Oo Uu Ebid Daawado

0
1390

zlatan-3

Weeraryahanka Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa shaaca ka qaaday inuu eegan jiray Luiz Nazario De Lima Ronaldo markii uu yaraa isla markaana uu jeclaa inuu u ciyaaro sidiisa oo kale.

Ronaldo oo haatan halyeey aad loogu qiimeeyo kubadda cagta ayaa soo maray kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Inter Milan isagoo sidoo kale ka mid ah ciyaartoyda ugu goolasha badan koobka Aduunka madama uu 15-gool dhaliyay.

Balse Ibrahimovic oo waayahiisii ciyaareed kusoo qaatay kooxaha Ajax, Juventus, Milan, Inter Milan, Barcelona iyo Paris Saint Germain ka hor inta uusan Old Trafford imaan ayaa dareensan inuusan jirin xidig lala barbardhigi karo Luiz Ronaldo xitaa kubadaan casriga ah.

“Waxey ila tahay Ronaldo wuxuu ahaa xidig aan caadi aheyn” Ayuu Zlatan u sheegay United Review, “Waa ciyaariyahan wax walba oo uu sameeyo ay yahiin WOW!! Cajiib”

“Wuxuu sameyn karaa wax aad u adag waxeyna noqdaan sixir, wuxuu kaa qaadanayaa kubadda sida inuu ku yiri – aniga ayaa waqtigaan ka taxadaraya, ma heli kartid nuuca ciyaariyahankaas isaga ka hor iyo dunida maantaba, maba jiro”

“Markaan da’yarta ahaa waan daawan jiray isaga waxaana nafsadeyda u sheegi jiray inaan doonayo inaan noqdo isaga oo kale, ciyaariyahanka sameeya kala duwanaashaha, sida iftiinka waabariga, si fudud waa sidaas oo kale” ayuu yiri Zlatan oo amaan aan loo meel dayin kala duldhacay R9.

Dhanka kale Ibrahimovic ayaa shaaciyay kulankii ugu fiicnaa ebid uu daawado isagoo taageere ah, balse wuxuu ahaa kulan Ronaldo u ahaa wadno qabad waana finalkii koobka Aduunka 1998 markas oo uu Zidane kala diray Brazil.

“Wax badan kubadda cagta ma daawan sababtoo anigaa ciyaara, waxaan ka hadlayaa kubadda cagta, waan arkaa maalin walba”

“Hadii aan doorto hal kulan waa finalkii Koobka Aduunka 1998 markaas oo ay France ka guuleysatay Brazil, sababtoo ah Ronaldo wuu ciyaaray, sida aan muranka laheyn waad u baahan tahay inaad daawato sidoo kalana Zidane isna wuu ciyaaray waadna u baahan tahay inaad daawato”

“Nuuca ciyaartoydaas waxey ahaayeen kuwa u baahan in la daawado”