Arsene Wenger Oo Dhaleeceeyay Garsoore Clattenburg Ka Dib Guuldaradii Arsenal Soo Gaartay Xalayto

0
461

skysports-mark-clattenburg-arsene-wenger-arsenal-everton_3852005

Arsene Wenger ayaa ku dhaleeceeyay garsoore Mark Clattenbrug go’aankii uu Everton ugu dhigay kubad gees laad ah dhamaadkii ciyaarta taasoo keentay in Ashley Williams uu dhaliyo goolkii guusha iyadoo Arsenal ay guuldarro 2-1 xalayto ku soo gaartay Goodison Park.

Kooxda Gunners ayaa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan horyaalka gool looga dhaliyay kubad kooner ah ka dib markii Clattenburg uu go’aansaday in Laurent Koscielny uu kubada bixiyay halkii ay ka aheyd xiddiga bedelka ugu soo galay Everton Dominic Calvert-Lewin. Williams ayaana madax ku dhaliyay kubadii geeska laadka aheyd ee la soo qaaday daqiiqadii 86aad isagoo dhameystiray soo laabashadii cajiibka aheyd ee ay sameysay kooxdiisa ka dib markii uu Seamus Coleman kansalay goolkii Alexis Sanchez. 

Guuldaradaan ayaa keentay in Arsenal ay dhaafto fursad ay hogaanka Premier League ku qaban laheyd iyadoo kooxda horyaalka hogaamineysa ee Chelsea ay caawa la ciyaareyso Sunderland, Wenger ayaana qirtay inuu aad uga xumaaday go’aanka Clattenburg.

“Ma aysan aheyn kooner” ayuu yiri. “Waxaad ka arki kartay dhankeena inaysan aheyn kooner.

“Laakiin waxaan ku qasbanahay inaan aqbalno go’aan qalad ah, mana sharaxeyso sababtii aan kubada u madaxeyn weynay ka dib koonerkaas.

“Aad ayaan u niyadjabsanahay sababtoo ah Clattenburg waxa uu taagnaa boos fiican oo uu ku arki karay inay iyaga kubada madaxeeyeen, mana ahan markii ugu horeysay ee go’aankaan nasiibdarada ah uu inagu dhaco xilli ciyaareedkan.

“Ma doonaya inaan wax badan ka hadlo garsooraha. Ma ahan dhibkeyga.”