Halkee La Kala Marayaa Tartanka Gooldhalinta Horyaalka Premier League Ka Hor Kulamada 16aad?

0
546

skysports-sergio-aguero-diego-costa-alexias-sanchez-manchester-city-chelsea_3848179

Ka hor inta aan caawa iyo habeen danbe la ciyaari kulamada wareega 16ka ee horyaalka Premier League waxaan eegeynaa miiska kala sareynta gooldhalinta.

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa isbuucaan keli ku noqday hogaanka gooldhalinta Premier League isagoo dhaliyay goolkiisii 12aad ee xilli ciyaareedka kulankii ay 1-0 kaga badiyeen West Brom.

Alexis Sanchez ayaana ku haray kaalinta labaad isagoo leh 11 gool ka dib markii uu ku hungoobay inuu shabaqa soo taabto kulankii ay Arsenal isbuucaan 3-1 kaga badisay kooxda Stoke City. 

Sergio Aguero ayaa kaalinta 3aad ku jira isagoo leh 10 gool, laakiin isbuucyadaan halkaas ayuu fadhin doonaa madaama uu ganaax ku maqnaanayo seddexda kulan ee soo socota.

Romelu Lukaku ayaa soo galay kaalinta afaraad ka dib labo gool uu isbuucaan dhaliyay isagoo leh sagaal gool inkastoo uu kooxda Everton ka celin waayay guuldaradaii 3-2 ee ka soo gaartay Sabtidii kooxda Watford.

Kala Sareynta Gooldhalinta Premier League:

12 gool – Diego Costa

11 gool – Alexis Sanchez

10 gool – Sergio Aguero

9 gool – Romelu Lukaku

8 gool – Christian Benteke, Eden Hazard, Zlatan Ibrahimovic

7 gool – Sadio Mane, Theo Walcott, Harry Kane, Michail Antonio