Hoggaanka Galmudug oo lagu eedeeyay Mas’uuliyad daro

0
386

galmudug-238x178

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa eedeeyn u jeediyay Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Kulan ay xalay ku yeesheen Magaalada Cadaado ayay ku sheegeen in Galmudug aysan la heyn hoggaan Madaam Madaxda Galmudug dhammaantood ay ka maqan yihiin degaanada Galmudug.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale sheegay in Madaxda maamulka Galmudug ay jabiyeen dastuurka Galmudug ,kasoo dhigaya Madaxda Galmudug dhammaantood aysan ka wada maqnaan karin Degaanada Galmudug. Waxaa ay ugu baaqeen golaha sharci dejinta Maamulka Galmudug in ay isku yimaadaan kulan deg deg oo looga hadlaayo xaalada Galmudug.