Hordhac: Liverpool v Stoke City – WIilasha Jurgen Klopp Oo Doonaya Iney Soo Yareeyaan Farqiga Hogaanka Horyaalka

0
749

liv

Liverpool ayaa caawa soo dhaweyneysa Stoke City xilli ay isha ku hayaan ciyaartoyda kooxdaan soo yareynta farqiga dhibcaha ee ay hogaanka kaga heyso Chelsea oo shalay si fiican ugu tumatay Bournemouth.

Joel Matip ayaa wali ku wareersan inuu taam buuxa noqdo taasoo la micno ah in Klavan iyo Lovren ay wada ciyaari doonaan daafaca dhexe.

Reds ayaan gurigeeda looga badin 15-kulan oo horyaalka ah waana rikoorkii ugu dheeraa ee horyaalka madama ay gurigeeda ku kasbatay 9-guul iyo 6-barbaro. 

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Liverpool vs Stoke City

Tartanka: Premier League (Boxing Day)

Garoonka: Anfield Road

Saacadda: 8:15 Fiidnimo (XGA)

Garsoore: Michael Oliver (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

Daniel Sturridge ayaan heli doonin mar kale fursad sida la qiyaasay kaas oo gacan weyn ka geystay guushii kulanka Merseyside Derby, waxaana la filayaa in Divock Origi uu kasoo hormaro.

Coutinho ayaan wali kusoo laaban tababarka koxda isagoo wali la tacaalaya dhaawacii kasoo gaaray canqawga, waxaana xitaa shaki la galinayaa safashada kulanka Manchester City.

 

Dhanka kale Marko Arnautovic ayaa ganaax kaga maqan halka Bardsley iyo Cameron ay dhaawac dhanka jilibka ah kaga maqan yahiin, hana ka reebin in Jack Butland uu mar kale qaliin kale mari doonin madama dhibtii ka heysatay canqawga aan wali xal rasmi ah loo helin.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaa guuleysatay shan ka mid ah lixdii kulan ee ay wajahday Stoke City, balse guuldarada soo gaartay mudadaas waxey aheyd mid qaraar oo timid dhamaadkii xili ciyaareedkii 2014/2015 markaas oo 6-1 lagu sagotiyay halyeyga Reds Steven Gerrard.

Stoke ayaa garaacday Liverpool lugtii labaad ee koobka League Cup-ka kulan dhacay January 1-0, balse waxey ku hareen rigooreyaal, taasna waxey soo afjartay 36-kulan oo aysan tartan walba kaga badin Anfield kooxda Reds, bale 4-1 ayaa lagu garacay April.

Joe Allen ayaa dhaliyay shan gool 16-kulan oo uu u saftay St0ke City waana in ka badan 1-gool dhamaan goolashii uu Liverpool u dhaliyay waayahiisa (91-kulan).

LINE UPKA MACQUULKA AH:

Liverpool: (4-3-3)

Goolhaye:Mignolet

Daafac: Clyne; Lovren; Klavan; Milner

Khadka Dhexe: Lallana; Henderson; Wijnaldum

Weerar: Mane; Origi; Firmino

Stoke City: (4-2-3-1)

Goolhaye: Grant

Daafac: Johnson; Shawcross; Martins Indi; Pieters,

Khadka Dhexe: Imbula; Whelan, Shaqiri; Allen; Diouf

Weerar: Walters