Hordhac: Man City v Watford – Kooxda Guardiola Oo Ku Qasban Inay Badiso Kulanka Caawa Ee Etihad Stadium.

0
472

manchester-city-vs-watford-epl-match-preview-and-prediction-14th-december-2016

Kulanka: Man City v Watford

Garoonka: Etihad Stadium

Waqtiga: 11pm Saacada Geeska Afrika

Tababare Pep Guardiola ayaa cadaadis daran ku hoos jira ka dib labadii guuldarro ee ugu danbeysay ee ka soo gaartay Premier League, waxaana durbaba lagu tilmaamayaa mid ku fashilmay kubada cagta Ingariiska.

Inkastoo ay ku bilowdeen xilli ciyaareedka si wacan islamarkaana lagu amaanayay Guardiola hanad-nimadiisa hadana guuldarooyinkii ugu danbeeyay waxa ay soo bandhigeen khibrad la’aanta Guardiola ee kubada cagta Ingariiska. Wax miyaa iska bedeli doona ciyaartiisa kulanka caawa? Waan arki doonaa. 

MAXAA KA CUSUB?

Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa dib u soo yeeran kara daafaca Nicolas Otamendi kaasoo ganaax ku seegay kulankii Leicester.

Si kastaba, weeraryahan Sergio Aguero iyo Fernandinho ayaa weli ganaax ku maqan halka Vincent Kompany uu isna weli dhaawac yahay.

Daafaca Watford Younes Kaboul ayaa ciyaari kara ka dib markii uu ku soo laabtay tababarka isagoo ka soo kabsaday dhaawac kubka ah.

Xiddiga khadka dhexe Roberto Pereyra ayaa diyaar ah mar kale ka dib kulan uu ganaax ku maqnaa. Si kastaba, Velon Behrami ayaa shaki la gelinayaa sababo la xiriira xumad.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Man City (4-2-3-1): Bravo; Sagna, Stones, Otamendi, Kolarov; Fernando, Gundogan; De Bruyne, Nolito, Silva; Iheanacho

Watford (4-3-3): Gomes; Prodgl, Zuniga, Britos, Holebas;  Capoue, Behrami, Guedioura; Deeney, Amrabat, Okaka.

MA OGTAHAY?

  • Manchester City lagama badinin lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka ee ay la ciyaareen Watford, waxaana ay badiyeen labadii kulan ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.
  • Kooxda Watford markii ugu danbeysay ee ay kulan horyaalka ah ka badiyaan City waxa ay aheyd horyaalka heerka labaad bishii March 1989.