Marka Aad Timaado New York Waxaad Arkeysaa Taalada Xoriyadda, Sidoo Kale Markaad Timaado Sweden Waxaad Arkeysaa Taalada Zlatan”

0
57

zlatan

Zlatan Ibrahimovic waa ciyaariyahan leh awood dabiici ah, sidoo kale iney isaga daawadaan kaliya ayey dadka qaar ka doorbidaan kubadda cagta, balse in qof walba uu arko wey u fududaan doontaa madama taalo looga taagi doona dalkiisa.

Sida xaqiiqda ah dadka qaar ee Sweden ayaa u aaminsan Zlatan – Madaxweynaha dalka -, Balse xiddigii h–e qaranka Sweden ayaa sii qurxiyay baahida loo qabo taaladiisa isagoo booqday xarunta ay ka socoto dhismaha taalada.

Ibrahimovic ayaa bartiisa Instagram-ka soo galiyay sawir uu ag taagan tahay taaladiisa, balse wuxuu kusoo qoray hadalo cajiib ah 

Marka aad timaado New York waxaad arkeysaa taalada Xoriyadda, marka aad timaado Sweden sidoo kalana waxaad arkeysaa taalada Zlatan” “Dhawaan” ayuu kusoo qoray sawirkii uu soo galiyay bartiisa bulshada.

Sida horay loo xaqiijiyay taalada waxaa laga taagi doonaa banaanka garoonka Friends Arena ee ay hoyga u ah xulka qaranka Sweden waxaana dhirirkeeda lagu sheegay 2.7.

Ugu dambeyntiina Ibrahimovic ayaa dhaliyay 62-gool, 114-kulan oo uu kasoo muuqday xulkiisa jaalayaasha ka hor inta uusan ku dhawaaqin inuu ka fariistay kadib markii ay kasoo hareen Euro 2016.