Shirka Madasha Qaran oo maanta la filayo in uu ka furmo Muqdisho

0
253

wadatashiga

Magaalada Muqdisho maanta waxaa la filayaa in uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaran, kaas oo ay horey u go’aamiyeen Madaxda Madasha Qaran.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb gali doona Madaxda Dowladda Federaalka, kuwa Maamul Goboleedyada, Beesha Caalamka iyo xubno kale.

Shirkan ayaa sida horey loo sii sheegay waxaa looga hadli doonaa go’aaminta saamiga Aqalka Sare ay ku leeyihiin Goboada Sool iyo Sanaag iyo arrimo kale oo la xiriira Doorashooyinka. 

Madasha Hoggaamiyeyaasha Qaran ayaa shirkiii ugu dambeeyay waxa ay si qottodheer ugu falanqeeyeen arrinta ku saabsan saamiga ay Gobollada Sool iyo Sanaag ee Soomaaliland ku yeelanayaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka.

Shirkan Madasha Qaran ee maanta la filayo in uu ka furmo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey ugu heshiiyay Madasha Wadatashiga Qaran.