Wararkii ugu dambeeyay: Puntland oo ka hadashay dagaalka ka socda Qandala

0
162

ciidamada-puntland

Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ayaa markii ugu horraysay ka hadlay hawlgalka milatari ee ka dhanka ah ururka Daacish ee muddada 37-ka maalmood ah gacanta ku haysa magaalada Qandala ee gobolka Bari.
Guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo hoggaaminaya weerarka ku wajahan Qandala ayaa waraysi gaar ah oo uu siiyey VOA ku sheegay in saaka dagaal dhexmaray ciidamada maamulka iyo Daacish ay ku dileen 7 ka tirsan Daacish.
Ciidamada maamulka Puntland ayaa miino loogu aasay meel u dhow degmada Qandala , waxaana ku dhaawacmay Miinadaasi 3 askari oo ka tirsan ciidanka maamulka Puntland.
Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys ayaa VOA u sheegay in ay dileen 7 ka tirsan Kooxda ,islamarkaana ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Kooxda Daacish.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan Wali galin Magaalada , islamarkaana ay joogaan meel u dhow Magaalada Qandala, ayna gali doonaan Saacadaha soo socda.
Magaalada Qandala ayaa dabayaaqadii bishii October waxaa qabsatay kooxda dowladda Islaamka ee Daacish.