Yaa Baadin Doona Kulanka Adag Ee El Clasico Ee Camp Nou Ku Dhexmari Doona Maanta Kooxaha Barcelona & Real Madrid?

0
149

ob_72df2b_article-el-clasico-betting-preview-xl

Kulanka ugu adag uguna xamaasada badan kooxaha Yurub ee El Clasico ayaa maanta waxa uu ka dhacayaa Camp Nou iyadoo Barcelona ay soo dhaweyn doonto kooxda ay aadka isku neceb yihiin ee Real Madrid, waana kulan ay dunida oo idil indhaha ku heyso.

Ka hor kulanka maanta Real Madrid ayaa hogaanka La Liga kaga heysa Barcelona lix dhibcood kuwaasoo barbaro galay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan oo ay ku jirto labadii kulan ee ugu danbeysay ee La Liga. 

Laakiin naatiijooyinkii ugu danbeeyay ee labada kooxood saameyn ma ku yeelan doonaan kulanka maanta ee Camp Nou oo ah kulanka ugu horeeya El Clasico ee xilli ciyaareedka.

Barcelona waxa ay isku gubaabineysaa in kulanka maanta uu u yahay mid nolol iyo geeri ah, halka Real Madrid ay isku dhiirogelinayaan in horyaalka uu dhankooda u janjeersan doono haddii ay ku badiyeen Camp Nou.

Hadaba kooxdee ayaa dhinaca dhulka loo dhigi doonaa maanta, Blaugrana mise Los Blancos? Saadaal ka bixi kulanka ugu adag kooxaha kubada cagta Yurub adigoo ka qeyb qaadanaya codbixinta hoose, sidoo kalena fekerkaaga hoose inoogu soo qor.